Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay weerar dhanka cirka ah oo ay sheegtay in laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose. Wasiir ku xigeenka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in weerarkan lagu dhaawacay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-shabab. Waxaa uu farta ku fiiqay in uu howlgalkani ahaa mid qorsheysnaa oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo saaxibbada caalamka. “Weerarku wuxuu ahaa howgal muddo la qorsheynayay oo xogtiisa iyo fulintiisaba ay iska kaashadeen ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadda caalamiga ah” ayuu yiri Al-cadaala. Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in weerarkan lala beegsaday nin uu ku tilmaamay in uu ahaa mid “shar-badan” oo ka tirsan hoggaanka Al-shaabab. “Waxaa weerarka lagu beegsaday ninkaasi horjoogaha ah ee khawaarijta ka tirsan oo ah runtii ah nin shar badan oo dhib badan oo dadka Soomaaliyeed loo gaystay maleegisteeda wax ku leh, dambiyo badan oo dalka ka dhacayna horey-na uga masuul ahaa wax ugu lahaa hadsana wali ku lug lahaa,” ayuu yiri War ay soo saartay dowladda Soomaaliya isla markaana lagu baahiyay baraha warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa lagu shaaciyay magaca ninka la dhaawacay ee ka tirsan Shabaab kaas oo lagu sheegay Cusmaan Maxamed Cabdi. Warka qoraalka ayaa lagu sheegay ninkan uu Shabaab u qaabilsanaa arrimaha dibadda, weerarkana lagu beegsaday gurigiisa oo ku yaalla Jilib. Sida War-saxaafadeedka lagu xusay ninkaan wuxuu u ahaa shaqsiga u qaabilsan ururka Al-shabaab soo gelinta dalka dadka ajaanibta ah ee kooxda ku soo biira. Wasiirka ku xigeenka warfaafinta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Rahmaan Yuusuf Al-Cadala oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay inay hayeen macluumaad dhameystiran ay ka hayeen sargaalkan ka tirsan Al-Shabab. “Ninkaas maclluumaadkiisa oo dhameystiran ayay haysay dowladda Soomaaliyeed laga soo bilaabo maalinkuu dhashay, meeshuu ku dhashay, meesha uu joogay iyo meesha ilmihiisu joogaan iyo meesha xaasaskiisa joogaan, meelaha uu ka soo shaqeeyay , inta khawaarijka uu ka tirsanaa, maclluumaad dhameystiran ayaan ka haynaa” ayuu yir Mr Cadaala.Waxaa uu xusay in xilal kala duwan uu ka soo qabtay Al-Shabab meelo kala duwana uu ka soo shaqeeyay gudaha Soomaaliya. “Ninkani waa nin Soomaali ah, Soomaaliya ku dhashay, Soomaaliya ka soo shaqeeyay , Soomaaliya ku noolaa khawaarijta ka tirsanaa ilaa 2006-dii meelo kala duwan Khawaarijta uga soo shaqeeyay mar madax ka ahaa maleeshiyaadka jabhada u yaqaaniin, mar hayay waxa ay u yaqaanaan xafiiska musaalaxada madax ka soo noqday mar gobolka Gedo u qaabilsanaa marin-haabinteeda u qaabilsanaa” ayuu yiri Mr Al-Cadaala. Waxaa uu intaa ku daray in ninkan xitaa uu mar ka tirsanaa Golaha Shuurada iyo xafiiska gaashaandhigga ee Al-Shabaab. “Mar waxaa uu ka soo shaqeeyay golaha shuurada waxa ay ugu yeeraan xafiiska gaashaandhiga, golaha ay ugu yeeraan Shuurada ayuu ka tirsanaa uu waqti waqtiyada ka mid ah xubin ka ahaa” ayuu intaa ku daray. Dhanka kale Mareykanka ayaa xaqiijiyay in sabtidii ay weerar ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe . Bayaan ka soo baxay saldhigga Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM laguma sheegin in bartilmaameedku ahaa hoggaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan iyo in kale. “Qiimeynta hordhaca ay ayaa muujinaysa in aysan jirin dad rayid oo ku dhintay ama ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM. Mid ka mid ah dadka hore uga tirsanaa Al-Shabaab, ninkanna ay si dhow iskula soo shaqeeyeen oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa BBC u sheegay in ninkan xarakada dhexdeeda looga yaqaanno Macallin Cusmaan. Waxaa uu sidoo kale sheegay in Cusmaan Maxamed Cabdi uu ka mid ahaa maxakamadihii Islaamka islamarkana uu ka qeyb galay dagaalkii Itoobiya uuna ku dhawaacmay. “Waa nin maxkamadihii ka tirsanaa, horey waxaa uu u ahaa xoghayaha gaashaandhigga ee xarakada, waxaa uu ka mid ahaa raggii maxkamadaha ee dagaalkii Itobiya ka qeyb galay,” ayuu yiri. Waxaa uu sidoo kale BBC u sheegay shakhsigan horey uga tirsanaa kooxda in Macallin Cusmaan uu yahay nin ku fiican dhanka abaabulka iyo dagaal galinta. Waxaa uu xusay in dhowr mar uu la kulmay Macallin Cusmaa uuna yahay shaqsi aad u mayal adag. Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Al-shabaab ay soo saareen muuqaal waraysi sida ay sheegeen uu bixiyay hoggaamiyahooda uu siiyey garabka warbaahinta ee xarakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Al-shabab soo saareen muuqaal waraysi sida ay sheegeen uu bixiyay hoggaamiyahooda uu siiyey garabka warbaahinta ee xarakada, kaasoo la soo dhigay baraha internet ka ee taageera kooxda. Sheekh Axmed Cumar Diiriye oo loo yaqaanno Abu Cubeyda ayaa muuqaalka wajigiisa la saaray humaag si aan loo aqoonsan, wuxuna wareysi siinayay nin isna uu wajigu u xiran yahay. Isla markii muuqaalku baahayba waxaa la arkayey dadka qaar oo shaki gelinaya waxyaabo dhowr ah oo ku saabsan muuqaalka. © 2023 BBC. BBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda. Akhri xogta ku saabsan sida aan u abaarno bogagga dibadda.